4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Boqorka Sacuudiga oo sheegay in Israa’iil xaq u leedahay in ay dal yeelato

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL) - Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay sheegay in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.

Amiir Bin Salmaan ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa'iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudiga si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa'iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon.

Sacuudiga iyo Israa'iil waxaa ay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]