3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo wali taagan

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL)–Inkastoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sabtidii aynu soo dhaafnay uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay xildhibaannada, haddana dhinaca kale waxaa wali muuqanaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Maalintii shalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray shaqadii uga joojiyay xoghayaha guud ee Barlamaanka, halka qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari lagu sheegay in shaqo ka joojintaa tahay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin.

Qoraalladan iyo eryada labada dhinac ay warbaahinta isku marinayaan ayaa loo arki karaa mid meesha ka saari karta dadaallada madaxweynaha uu ku doonayo in lagu xaliyo khilaafka Golaha Shacabka oo noqonaya culuskii siyaasadeed ee ugu weynaa ee soo wajaha dowladda mudaddii sanadka ahaa oo ay jirtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in wali uusan meesha ka bixin mooshinka.

Dad badan ayaa qaba in ay yar tahay rajada laga qabi karo in Baarlamaanku mar kaliya wada jir dib ugu midoobo kulamadiisii caadiga ahaa, maadama khilaafka guddoonka iyo xildhibaannada la kala safan uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/3/2018 12:53 PM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Khilaafka Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo u muuqday mid sii shiiqaya wixii ka danbeeyay Sabtidii aynu soo dhaafnay kaddib markii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada iska soo horjeeda, ayaa mar kaliya saacadihii ugu danbeeyay ee maanta cirka isku shareeray.

4/3/2018 12:18 PM EST
Arbaco, April, 04, 2018(HOL)- Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay Isgoyska Danwadaagta sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

4/3/2018 9:54 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) – Aqoon kororsi loo sameynayo suxufiyiinta ku sugan gobolka Mudug ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Galkacyo halkaasoo lagu tabababary suxufiyiinta da’ yarta ah oo ka howl gala qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

4/3/2018 9:46 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu ku guuldareystay in uu dhaxdhaxaadiyo dhinacyada uu khilaafku u dhaxeeyo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

4/3/2018 8:35 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL) Kulankan oo uu shir gudoominayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Arriamaha Amaanka Magaalada Muqdisho oo Maalmihii ugu dambeeyay sii xumaanayay.

4/3/2018 7:58 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL)-Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u Aasaayay waddada u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay.

4/3/2018 4:19 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL)-Dowladda Uganda ayaa ku gacanseyrtay in Al-shabaab awood u leeyihiin in ay weerareen magaalada Kampala ee dalka Uganda sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga dalkaas Brigadier Richard Karemire.

4/3/2018 2:31 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL)-Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay sheegay in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

4/3/2018 12:19 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa sameeyay kulan dhaqaalo loogu aruurinayay Isbitaalo loo dhisayo Hooyadda iyo Dhalaanka ee magaalooyinka Widhwidh iyo Awrboogays ee goboladda Sanaag iyo Cayn.

4/3/2018 12:09 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL)–Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa sheegay Duqeyn ka dhacday gelinkii dambe ee Axadii ina dhaaftay meel u dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud in ay ku dileen Shan Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

4/3/2018 12:06 AM EST
Talaado, April, 03, 2018 (HOL) –Abaandullaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ku dhawaad 66 xubnood oo ka tirsan sida uu hadalka u dhigay xooggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.