4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Jen Caanood : Waxaan dilay 66 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahannada Al-shabaab

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL) –Abaandullaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ku dhawaad 66 xubnood oo ka tirsan sida uu hadalka u dhigay xooggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Abaanduulaha ayaa sheegay in xooggaga weerarka soo qaaday wateen saddex gaari uu walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo mid ka mid ah siweyn ugu soo dhawaaday Albaabka hore ee saldhiga ciidamada halkaa oo uu ku qarxay.

‘’Saddex gaari ayeey ku soo weerar tageen mid ayaa ku qarxay Albaabka xerada, kaasoo firir aan badneyn gaarsiiyay afar askari oo ka tirsanaa ciidamadeena ayuu yiri’’ Abaanduulaha.

Laakiin taliska ciidamada Uganda ee weerarkan lagu qaaday ayaa sheegay in dagaalkaa ku dilay 22 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab, halka dhinacooda ay ka dhinteen Afar Askari.

Al-shabaab dhinacooda war ay ka soo saareen dagaalka Buula-Mareer ayeey ku sheegeen in ay ku dileen 59 Askari oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM halka weerarkaa ay uga dhinteen 14 dagaalyahan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]