4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhaqaale ugu deeqay gurmadka loo fidinayo dadka ku barakacay fatahaada

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL) -Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galabta kulan deg deg ah waxa ay ku yeesheen xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana kulanka looga hadlay sida Maamulka uu uga qeyb qaadan karo samata bixinta dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne.

Xubnahan ayaa waxa ay kulankooda ka soo saareen in si deg deg ah gargaar lagu gaarsiiyo dadka ka Barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle ee gaaray banaanka magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay dadkaasi ugu deeqeen lacag dhan 100,000 oo Dollar, taasi oo qeyb ka ah gargaarka loo sameynayo.

“Sida aad u jeedaan waxaan halkan ku qabsanaya shir deg deg ah, ujeedada waxay aheyd xaalada murugeysan ee magaalada Beledweyne oo aan u aragnay in ay tahay musiibo qaran, ka maamul ahaan waxaan is tusnay in aan arrintaas mas'uuliyad iska saarno, shirka kaddib waxaan go’aansanay in aan dadkaas ugu deeqno lacag dhan 100,000 oo dollar” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa magacaabay guddi ay Gudoomiye ka tahay Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti, waxayna degmooyinka ka soo aruurinayaan shacabka deeqda la baxaya ee ku nool Muqdisho.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo midii ugu darneyd, kadib markii fatahaada wabiga ay ku barakaceen dad ka badan 20,000 oo qof, kuwaasi oo hada ay dhibaato ku heysato banaanka magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]