Kheyre : Waxaa leysku raacay in deg deg loo gaaro dadka ay Fatahaadu saameysay ee magaalada Beledweyne
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) –
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goor dhaw shir
jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan deg deg ah oo ay
yeesheen leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadka ay
fatahaadu ku dhufatay, gaar ahaan magaalada Beledweyne.
‘’Madaxdii iyo qeybihii kala
duwanaa ee shirkaa ka qeybgalay waxaa isku raacnay in dadkaa si deg deg ah
loogu gurman lahaa, dowladda Soomaaliya-na waxaa ay awoodeeda oo dhan isugu
geyn doontaa sidii deg deg loogu gargaar loogu fidin lahaa dadkaa dhibaateysan’’
ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.
Ra’iisal wasaaraha ayaa
sheegay in leysku raacay magacaabista guddi ka kooba 22 xubnood oo uu
guddoomiye ka yahay ra’iisal wasaare ku-xigeenka sidoo kale waxaa ka mid ah
guddigan lagu dhawaaqay Wasiirrada arrimaha gudaha, Amniga, Caafimaadka,
Maareynta Masiibooyinka, Beeraha, Biyaha, xildhibaanno, iyo culima’udiin
Soomaaliyeed.
Dhinaca kale ra’iisal
wasaaraha ayaa sheegay kulan kale uu la qaatay hay’addaha samafalka iyo
safaaradaha dalalka shisheeye oo uu kala hadlay xaalada deg deg ah ee soo food
saaratay dadka ay daadadku ku soo rogmadeen.
‘’Kulamadii aan la qaatay hay’addaha
samafalka iyo safaaradaha shisheeye waxaan isku afgaranay dadkaasi dhibaateysan
dhaqse loo gaaro’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.
Kulamadan ayaa qeyb ka
noqonaya dadaallada loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa xaalada adag ee soo
food saartay dadka ay Fatahaaduhu saameeyeen.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]