Shir looga hadlayo Fatahaada Wabiga Shabeelle oo goor dhaw ka furmay magaalada Beledweyne
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) –
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya kulan goor dhaw ka furmay
xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayo xaalada Fatahaada Wabiga
Shabeelle uu ka sameeyay qeybo ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan magaalada
Beledweyne.
Shirkan ayaa waxaa ka
qebgalay, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, xildhibaanno, guddiga
ka hortagga musiibooyinka Qaranka, Ganacsato iyo Hay’adaha aan dowliga ahayn ee
gudaha dalka ka howlgala.
Shirkan waxaa diiradda lagu
saaraya sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan
magaalada Baledweyne.
Waxaa lagu wadaa in shirka
lagu magacaabo guddi ka shaqeyn doona sidii loo gargaari lahaa dadka ay saameyn
ku yeesheen Fatahaada.
Wixii warar ah ee ka soo kordha
shirkan waan idin soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]