4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Saraakiil lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) - Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ay warbaahinta xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay badankood oo ah Askar ka tirsan ciidamada Isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgalaayay bilihii  lasoo dhaafay.

Qof Isku soo xiray wax-yaaha Qarxa ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada isku dhaf ah sidda ay sheegeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Sare Cabdi xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo ahaa taliyihii ciidamada militariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ka howlgalayay  iyo  C/qani Axmed Geyre oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]