4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Dowladda Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka yeelaneysa xaalada Fatahaada

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay kulan deg deg ah ka yeelato xaalada Fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollada, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ay ku soo rogmadeen biyihii ugu badnaa ee soo mara sanadihii ugu danbeeyayba.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulanka shir guddoomiyo, iyadoo ka qeybgali doonaan hay’adda ku shaqada leh gargaarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan magaalada Baledweyne.

Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka taagan Xaalad adag kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen.

Sidoo kale deegaannada ay uu Wabigu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka mid ah gobollka Shabeelaha Dhexe, Gedo iyo deegaannada ku teedsan hareeraha Wabiga ee ee gobollada kale ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]