Sabti, April, 28,
2018 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas ee Qasa ayaa sheegtay in
ciidamada Israel toogasho ku dileen saddex Falastiiniyiin ah oo ka qayb
qaadanayey mudaharaad ballaaran oo lagaga soo horjeedo gidaarka Israel.
Qofkii ugu horeeyey ee dhimashadiisa la xaqiijiyaa waxa
uu haa Cabdulsalaam Bakr oo 29 jir ah, waxaanay wasaaradda caafimaadka maamulka
Xamaas ee Qasa sheegtay in ay ciidamada Israel madaxa kaga toogteen bariga
magaalada Qasa.
Israel ayaa sheegtay in boqolaal qof oo mudaharaadayaa
isku dayeen in ay gubaan gidaarka dhagaxaan iyo bambooyin laga sameeyey
quraarado baatrool ku jira na ay tuurayeen. Waxaanay intaa ku dartay in
ciidankeedu adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa, rasaasta rabadhka ah iyo
mid nool ba.
Dadka abaabulay mudaharaadkan, oo looga gol leeyahay in
lagu muujiyo rabitaanka Falastiiniyiinta ee ah in ay ku noqdaan dhulkoodii oo
haatan noqday Israel, ayaa Jimcahan ku sheegay kii dhalin yarada.
Tan iyo markii ay bannaan baxyadu bilaabmeen bishii hore,
ciidamada Israel waxay dileen in ka badan 40 qof oo ay ku jiraan wiil yar oo 14
jir ah iyo laba weriye.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]