4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Mareykanka oo ku baaqay in Soomaaliya laga caawiyo dhinaca sugida Amniga

 

Sabti, April, 28, 2018 (HOL) -Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in dowladda Soomaaliya laga taageero dhanka amniga si ay uga adkaato dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay kula jirto dagaal xooggan.

Donald Yukio Yamamoto ku xigeenka Kaaliyaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku maraayay Bariga Afrika ayaa sheegay in xilliggaan la taagan yahay xilligii lasoo Afjari lahaa Xiisadda ka dhex jirta dalalka Afrika.

Waxaa uu tilmaamay dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan in ay muhiim tahay in laga kaalmeeyo sugidda amniga iyo dib usoo celinta Xasiloonidooda.

Kulan uu ku qabtay dalka Jabuuti ayuu sidoo kale ku sheegay in dowladda Mareykanka ay laba jibaari doono taageeradda ay siiso dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in iskaashi buuxa oo la dagaalanka Argagixisadda ah in uu dhexmaro dalalka Bariga Afrika.

Waxaa uu carabka ku dhuftay ugu danbeyntii in dowladda Mareykanka ay laba jibaari doonto taageeradda Ammaanka ah oo ay siiso dalalka Bariga Afrika, waxaana sidoo kale xusay in ay xoojin doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]