4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 27, 2018
Ciidamada AMISOM oo gurmad u sameynaya dadka ay fatahaadu saameysay ee Beledweyne


Jimco, April, 27, 2018 (HOL) - Fatahaadan oo noqoneysa tii ugu cusleyd ee sanadihii ugu danbeeyay soo marta magaalada Beledweyne ayaa saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay Kumannaan Kun oo Qoysas Soomaaliyeed ah, kuwaa oo qaarkoodna u mar kacay deegaannada baxsan magaalada halka kuwo kalana wali biyaha ku dhax go’doonsan yihiin.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo kaashanaya kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabey in ay u gurmadaan Qoysaska ku dhax go’doonsan daadadka ku rogmaday xaafaddihii ay ku noolaayeen, kuwaa awoodi waayay in ay la baxaan carruurtooda iyo agab wixii ay u baahnaayeen.

Maanta ayaa la arkayay gadiidka ciidamada oo ay saaran yihiin kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo dadka ka soo saaraya xaafaddaha ay biyuhu harqiyeen iyaga oo geynaya dhulka taaga ah oo ay dadku u barakaceen.

Ciidamadan iskaashanaya ayeey u suurtagashay in ay ka soo saaraan biyaha Boqolaal Qoysas ah oo markii hore dhibaato weyn ku qabay sidii ay uga baxsan lahaayeen qulqulka daadadka oo u muuqda kuwo mar walba sare u sii kacaya.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa uga mahad celiyay ciidamada AMISOM kuwa dowladda Soomaaliya gurmadka ay u fidinayaan dadka ay saameysan fatahaada Wabiga Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]