4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 27, 2018
Xaalad adag oo soo food saartay bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne

 

Jimco, April, 27, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ku dhawaad 26 Kun oo Qoys ku barakaceen daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhuftay magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in biyaha Wabiga Shabeele dhaafeen xadiggii caadiga ah ee uu ku fatahi jiray, taasoo macnaheedu noqonayo in biyaha hadda ku socda magaalada yihiin kuwo ka soo burqanaya Wabiga oo Karkaarada jabsaday.

‘’Waad arkeysaan dhulkii caadiga ahaa ee Wabigii lama kala garanayo dhibaato xoog leh ayeey bulshadu wajahayaan, in ka badan 100 Kun oo ruux ama 26 Kun oo Qoys dad lagu qiyaasay ayaa magaalada isaga baxay, dadkaa badankood waxaa ay wataan carruur, waayeel iyo dad xannuusanaya ayuu yiri ‘’ Madaxwyne Waare.

Korontada ayaa gabi ahaan ka maqan sidoo kalana waxaa adag oo inta badan aan shaqeyn habka Mobel-ka lacagaha leysugu gudbiyo ee EVC Plus-ka, taasoo sii adkeysay nolasha ka jirta guud ahaanba marka la eego magaalada Beledweyne.

“’Magaalo Koronto aan laheyn, Aaladii EVC-ka aysan shaqeyneynin, sidoo kalana aan laga isticmaali karin lacag shil Soomaali ah, biyana ku socdaan waad garan kartaa dhibaatada ka jirta in ay la eg tahay ayuu yiri ‘’ Madaxweyne Waare.

Baahida ugu weyn oo ay qabaan bulshada ku barakacday fatahaada ayuu sheegay in ay hellaan Biyo nadiif ah, Musqulo, dhinaca kalana gurmad loo fidiyo dadka ku dhax go’doonsan xaafaddaha ay biyuhu ku fataheen.

‘’Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti aad ayaan ugu mahad celineynaa gurmadka ay ka geysanayaan samatabixinta dadka biyaha ku dhax go’doonsan ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]