3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2018
Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto howlgalkeeda Soomaaliya

 

Jimco, April, 27, 2018 (HOL)– Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan ciidamadeeda inta si weyn loo burburinayo Awooda Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Meles Alem, ayaa Shalay u sheegay Saxaafadda inay dowladdiisu doonayso inay sii waddo shaqada AMISOM ee la dagaallanka argagixisa.

Wuxuuna midowga Afrika ugu baaqay inaysan ka bixin Soomaaliya ilaa laga wiiqo awooda Al-Shabaab ama ay Ciidamada Soomaaliya awood buuxda u yeeshaan sugidda ammaanka Dalka.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalka Soomaaliya yimid 2007-, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu dhisaya ciidamada xoogga iyo Booliska, si ay ammaanka dalka ula wareegaan marka ay laabtaan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

 Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.













Click here
4/27/2018 1:03 PM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL) - Fatahaadan oo noqoneysa tii ugu cusleyd ee sanadihii ugu danbeeyay soo marta magaalada Beledweyne ayaa saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay Kumannaan Kun oo Qoysas Soomaaliyeed ah, kuwaa oo qaarkoodna u mar kacay deegaannada baxsan magaalada halka kuwo kalana wali biyaha ku dhax go’doonsan yihiin.

4/27/2018 9:31 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ku dhawaad 26 Kun oo Qoys ku barakaceen daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhuftay magaalada Beledweyne.

4/27/2018 7:02 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Waxaa lagu wadaa in 7-da Bisha May ee foodda innugu so hayso la iclaamiyay shir ku aaddan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha.

4/27/2018 2:43 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in kulan madaxeedkii ugu horreeyey ee ay labda Kuuriya yeeshaan muddo toban sanadood iyo dheeraad ah, uu noqon doono bilowga taariikh cusub.

4/27/2018 2:09 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Wararka imanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar ku bilowday Qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

4/27/2018 1:04 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Waxaa sii kordhay saacadihii ugu danbeeyay biyaha ku Fatahaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib markii ay is biirsadeen Roobab Lixaad leh oo da’aya iyo Wabiga Shabeelle oo Karkaarada jabsaday.

4/27/2018 12:22 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull.