Jimco, April, 27, 2018 (HOL)– Hogaamiyaha
Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in kulan madaxeedkii ugu horreeyey
ee ay labda Kuuriya yeeshaan muddo toban sanadood iyo dheeraad ah, uu noqon
doono bilowga taariikh cusub.
Kim ayaa haatan waxa u bilaabmay wadahadal uu la
leeyhay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, oo ka dhacaya aagga
milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeyaa.
Moon ayaa isna sheegay in uu rajaynayo in heshiis
wayn ay ku gaaraan wada xaajoodkaas oo la filayo in ay xoogga ku saari doonaan
in jasiirad la moodka Kuuriya laga dhigo meel nukliyeerka ka caaggan iyo in si
rasmi ah loo soo af jaro dagaalka Kuuriya.
Markii hore ayaa Kim Jong-un waxa uu noqday
hogaamiyihii u horeeyey ee cag dhiga ciidda Kuuriyada Koonfureed, markuu ka
tallaabay aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeya oo uu si rasmi ah
ula kulmay madaxweyne Moon.
Labada nin ayaa si diirran isku gacan qaaday, kaddibna waxay ka wada tallaabeen xadka labada dal u dhexeeya oo waxay u gudbeen
dhanka Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd tallaabo ay ugu talo galeen in ay
bixiso muuqaal togan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]