4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 27, 2018
Al-shabaab sheegtay in ay weerareen kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland

 

Jimco, April, 27, 2018 (HOL)– Wararka imanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar ku bilowday Qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya iyo kuwa jubbaland kuwaas oo marayay degaanka Buulla gaduud oo qiyaastii 30 Km u jirta Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Goobjogayaal ayaa sheegay warbaahinta u sheegay in ciidamadan la wareeray ka soo baxeen magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbaland,iyagoona ku sii jeeday deegaanka Buulla gaduud ee gobalkaasi.

Dadka deegaanka la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay  in weerar uu ka dhacay  deegaanka Buulla gaduud ee gobalka Jubbada hoose, islamarkaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ay isku adeegsanayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland iyo Al-Shabaab.

War ay baahisay Idaacad ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale  ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxays saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland kaasi oo ku aadan sheegashada Al-shabaab ee ah weerarka ay ku qaadeen kolanyada ay la socdeen ciidamada.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland iyo Dagaalamayaasha al-Shabaab ayaa Dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen Degaanka Buulla gaduud ee gobalka Jubbada Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]