3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 27, 2018
Wararkii ugu danbeeyay xaalada Fatahaada magaalada Beledweyne

 

Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Waxaa sii kordhay saacadihii ugu danbeeyay biyaha ku Fatahaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib markii ay is biirsadeen Roobab Lixaad leh oo da’aya iyo Wabiga Shabeelle oo Karkaarada jabsaday.

Qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada ayaa ayeey biyuhu qariyeen halka dhinaca kalena ku shubayaan xaafado markii hore biyuhu aysan gaari jirin.

Marka la barbar dhigo Fatahaadii ugu danbeysay ee sanadkii aynu soo dhaafnay ku dhufatay magaalada ayeey dadka waaya joogi ah kuu sheegayaan in ay ka miisaan iyo xajmo culus tahay tan hadda magaalada looga kala baxay madaama lagu guda-jiro xiligii Gu’ga oo da’mada roobabku laga yaabo in ay waqti kale sii qaadato.

Qiyaastii 70% Qoysaskii degenaa magaalada ayaa u kala socdaal Tuullooyinka iyo deegaanka Ceeljeelle oo ah dhul taag ah oo inta badan dadku deegaansadaan marka ay jirto sidan oo kale Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Roobabka sii da’aya iyo warar soo baxaya oo sheegaya in ay jiraan biyo kale oo ka soo rogmaya Togagga iyo Waadayaasha soo gala Wabiga ayaa laga yabaa in ay xaalada uga sii daraan, waxaana hadda rajo xumo weyn muujinaya Qoysas markii hore naawilayay in ay ku sii nagaan karaan guryahooda.

Ilaa iyo hadda ma jiro gurmad la taaban karo oo ay heleen dadka ka barakacay Fatahaada iyo kuwa wali ku dhax go’doonsan xaafaddaha ay Biyuhu ku dhufteen marka laga soo tago fariimo lagu dalbanayo gurmad iyo gargaar bani’aadannimo oo dirayaan mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/27/2018 1:03 PM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL) - Fatahaadan oo noqoneysa tii ugu cusleyd ee sanadihii ugu danbeeyay soo marta magaalada Beledweyne ayaa saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay Kumannaan Kun oo Qoysas Soomaaliyeed ah, kuwaa oo qaarkoodna u mar kacay deegaannada baxsan magaalada halka kuwo kalana wali biyaha ku dhax go’doonsan yihiin.

4/27/2018 9:31 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ku dhawaad 26 Kun oo Qoys ku barakaceen daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhuftay magaalada Beledweyne.

4/27/2018 8:12 AM EST
Jimco, April,27,2018(HOL)– Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan Ciidamadeeda inta si weyn loo burburinayo Awooda Ururka Al-Shabaab.

4/27/2018 7:02 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Waxaa lagu wadaa in 7-da Bisha May ee foodda innugu so hayso la iclaamiyay shir ku aaddan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha.

4/27/2018 2:43 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in kulan madaxeedkii ugu horreeyey ee ay labda Kuuriya yeeshaan muddo toban sanadood iyo dheeraad ah, uu noqon doono bilowga taariikh cusub.

4/27/2018 2:09 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Wararka imanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar ku bilowday Qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

4/27/2018 12:22 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull.