4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2018
Arin Mucjiso ah: Gabar qeybo jirkeeda ka mid ah dhagxaan ka soo daadanayaan

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )- Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano jir ah aha ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan, magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

Gabdhan oo aan wax xanuun ah oo dhiba aanay jirin sida ay waalidiinteed sheegeen ayaa waxa dhibaato ku haya dad-weynaha magaalada Laascaanood oo buuxdhaafiyey guriga ay degan tahay..

"Illaa jimcihii ayaan aragnay waxan aan la yaabnay, mucjiso Illaahay na tusay ayaan u qaadanay, culimada waan u geyney, welina wax xal ah ma hayno, waxaana leenahay waa arin Rabbaaniya" sidaa waxaa sheegtay Hooyada dhashay gabadha lagu arkay arintan mucjisada ah.

 

Gabdhani oo aan jaanis yar u helay waxaa ii muuqatay iyadoo isha hoos u qabanaysa oo laba-jeer goorta ay haraga hoos u jiidey isheeda dhagax ka soo dhacay u eg dhagaxda dixda biya-mareenka.

Lama garanayo sababta arintan keentay, balse waxaa culimada diintu ay ku tilmaameen oo keliya mid Illaahay og-yahay, iyadoo dhagxaanta goobtaasi ka muuqatey ay kiilooyin gaadhayeen.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool