3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Fatahaad ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Kenya

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Kanaallada ugu waaweyn dalkaasi Kenya ayaa xiligan qarka u saaran in ay karkaaraada jabsadaan, kaddib Roobab Lixaad leh oo da’aya sida laga soo xigtay Laanqeerta Cas Kenya.

Abbas Gullet, oo ah madaxa Laan-Qayrta Cas ee Kenya, ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka ku dhaqan  gobollada Bariga iyo Bartamaha Kenya  in ay u guuraan dhulka sare si ay uga nabad-galaan khaatar ka dhalan karta fatahaada.

Waxaa uu sheegay in 200,000 ay horeyba uga barakaceen daadadkan, waxaana ay qaarkood hadda hoy ka sameysteen dugisyada waxbarashada, halka kuwa kalana ay deegaansanayaan dhul cidlo ah oo ay is leeyihiin waad uga nabad-gali kartaa fatahaada.

Waxaa lagu shaaciyay baraha bulshada sawiro muujinaya saameynta ay dadka ku yeesheen fatahaadan gaar ahaan xubin ka tirsan Laanqayrta Cas oo caawinaya nin waayeel ah oo jooga koonfurta Bari ee Tana River, halkaa oo 50,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/25/2018 3:37 PM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Reuters ayaa laga soo xigtay warbixin ku saabsan in ay jiraan hub laga soo xaday dugsigii tababarka Imaaraadka Carabta Jen Gordan oo maalin ka hor iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

4/25/2018 2:32 PM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab islamarkaana laga oo bilaabo sanadkii 2013ka maxbuus u ah dowladda Soomaaliya ayaa fariin uu warbaahinta soo gaarsiiyay ku weeraray hab dhaqanka iyo dilalka Ururka Al-shabaab.

4/25/2018 10:44 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )-Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.

4/25/2018 9:25 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )- Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano jir ah aha ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan, magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

4/25/2018 5:57 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )-Wararka ka imaanayo degaan ku dhaw degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka bilowday.

4/25/2018 4:40 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Maamul gobolleedka Puntland ayaa marti-gelinaya shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo lagu imartiqaaday mas’uuliyiinta wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

4/25/2018 3:40 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Dowladda Koofur Africa ayaa ku wareejisay dowladda Soomaaliyeed deeq lacageed oo gaareysa 500,000$, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

4/25/2018 3:21 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaraa oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

4/25/2018 3:07 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Waxaa magaalada Columbus ee Ohio Sabtidii aynu soo dhaafnay lagu dilay Cabdillaahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed oo ka tirsan Soomaalida ku nool Maraykanka.

4/25/2018 12:42 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Sida ku qoran jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in fadhigga Golaha Shacabka Khudbado looga dhageysto murashaxiinta u tartamaya Guddoomka Golaha Shacabka.

4/25/2018 12:06 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka ka barakacay fatahaada magaalada qiyaastii gaarayaan 9000 oo ruux kuwaa oo maciinbiday deegaannada dulleedka Bari gaar ahaan Ceel Jaalle.