4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
South Africa oo deeq lacageed ku wareejisay dowladda Soomaaliya

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Dowladda Koofur Africa ayaa ku wareejisay dowladda Soomaaliyeed deeq lacageed oo gaareysa 500,000$, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Lacagtan ayeey dowladda Koonfur Africa ugu talagashay in gargaar loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo dadkii ay abaaruhu saameeyeen.

Lacagtan ayeey Koonfur Africa u soo marsiisay dowladda Soomaaliya Hay’adda WFP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada, waxaana Deeqdan ay soconeysaa mudo ku siman 6 bilood.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumer Ceynsane oo gudoomay Deeqdan ayaa ka mahadceliyay taageerada South Afrika.

Weli waxaa dalka ka jira dhibaatooyin isugu jira barakac ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle iyo dadka oo wali la taagdaran abaartii ugu danbeysay ee ku dhuftay qeybo badan oo dalka ka mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]