4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta khudbado jeedinaya

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) – Sida ku qoran jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in fadhigga Golaha Shacabka Khudbado looga dhageysto murashaxiinta u tartamaya Guddoomka Golaha Shacabka.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Nuur Iidow ayaa warbaahinta u sheegay in maalintii shalay la soo gabagabeeyay is diiwaanta musharixiinta, islamarkaana maanta la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta oo gaaraya 11 xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay si taxadar leh ay u dhagaysan doonaan Khudbadaha murashaxiinta Islamarkaana ay ka soo xulan doonaan xildhibaankii ay u arkaan inuu Baarlamaanka hogaamin karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]