4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Liverpool oo 5-2 ku garaacday Roma cayaar xiiso badan oo leysku arkay Garoonka Anfield

 


Talaado, April,  24, 2018 (HOL) - Liverpool ayaa xaqiijisay in ay tahay koox awood badan kaddib markii ay 5-2 ku xasuuqday Xidigaha kooxda Roma kaddib cayaar leysku arkay Garoonka Anfiel ee dalka Egland oo qeyb ka aheyd Afar dhamaadka Champions league

Markii la gaaray daqiiqadii 19 ee cayaarta Roma ayaa heshay wax u muuqaal ekaa Goolkii ugu horeeyay ee kulanka, kaddib markii Kolarov Laad uu ka soo tuuray meel ka baxsan Gool Liverpool uu Birta ku dhuftay.

Laakiin daqiiqadii 35aad Maxamed Saalax ayaa kooxdiisii hore uga naxsaday Goolkii ugu horeeyay cayaarta oo ahaa mid aad u qurux badan oo si wanaagsan looga soo shaqeeyay, laakiin Saalax ayaa markii uu Goolka dhaliyay u muujiyay kooxdiisii hore ee Roma xushmad isaga oo diiday in uu ku dabaal dego.

Mar kale Maxamed Saalax ayaa daqiiqadii 45 aad dhaliyay Goolkii labaad ee Liverpool, kaddib markii uu Goolhaya daba-mariyay Laad siweyn looga fikiray.

Wareegii Koowaad ee cayaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineysay cayaarta Liverpool, laakiin markii leysku soo laabtay ayeey dhaceen mucjisooyin kale oo Room ka yaabsaday.

Saddexda Gool ee kale Liverpool waxaa u dhaliyay cayaaryahannada kala ah Sadio Mane iyo Firmino oo Labo gool la yimid, sidaa ayeey Liverpool 5-0 ku hogaamineysay cayaarta ilaa laga gaaro daqiiqadihii ugu danbeeyay.

Laakiin Roma ayeey rajadeedii dib u soo laabtay kaddib markii dhamaadka cayaarta la soo shir tageen Labo Gool oo mid ka mid ah u ahaa Rigoore, waxaana ay labadan Gool u muuqdaan kuwo ka caawin kara lugta danbe ee kulanka ay isaga horimanayaan Xidigaha Liverpool.

Dad badan ayaa aamisan in tababare Jurgen Klopp uu sameeyay qalad weyn kaddib markii dhamaadkii cayaarta uu garoonka ka saaray Maxamed Saalax, taasoo dhiiri-galin u noqotay weerar yahannada Roma oo ugu danbeyntii Labo Gool helay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]