4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Kenya oo is hortaagtay shir uu Nairobi ku qabsan lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa diiday islamarkana is hortaag ku sameysay munaasabad maanta ka dhaci laheyd Nairobi oo lagu waday in uu khudbad ka jeedo Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame.

Siyaasigan oo dhawaan dowladda Soomaaliya ka qaaday xayiraadii dhoofka ayaa qorsheynayay in xaflad qado ah la yeesho qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Aadan Barre Ducaalle oo ah guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa arintan uga waramay BBC-da isaga oo sheegay in Kenya kulankaasi joojisay.

''Waxaa kulankan joojiyay qolyaha qaabilsan amniga dalka. Wayna la hadleen dadkii qabanqaabinayay kulanka. Qofkii doonayo inuu u ololeeya xisbigaas, waa in uu ku sameeyaa gudaha Soomaaliya. Dowladda Kenya ma oggolaaneyso in waddankeeda uu nqodo kii looga duulayay Soomaaliya'', ayuu yiri Aadan Bare Ducaale.

Wuxuu meesha ka saaray in dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay sidaa sameeyaan, laakiin ay doonayaan mar walba degenaasha iyo xasiloonida Soomaaliya, sidaa daraadeed Kenya aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay shirar lagu wax-yeeleynayo dowladda Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Nairobi ku tago Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame tan iyo markii dabayaaqadii sanadkii hore ciidamada Nabad-galyada dowladda Soomaaliya weerar ku qaadeen hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]