4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Mas’uul ku gacanseyray xil looga magacaabay maamulka gobolka Hiiraan

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) – Mid ka mid ah ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa ku gacan seyray xilka guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maamulka gobolka Hiiraan oo lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Ma’uulkan oo lagu magacaabo Jaamac Faarax Kaba-weyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay aan waxba kala socon xilka loo dhiibay, waxaa uuna tilmaamay in magacaabistiisa ka maqlay Idaacadaha sidoo kale Warbaahinta ka dhageestay.

” Xilkan la ii magacaabay Idaacadaha ayaan ka maqlay wax wadatashi ah la igalama sameyn, waxaan ahay ganacsade dukaan ku leh magaalada Baladweyne wax xil ahna ma weediisan kamana rabo maamulka Hirshabelle ” ayuu yiri Jaamac Kabaweyne.

Kabaweyne ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle in ay ka digtoonaadaan xilalka ay u magaacabayaan dadka aan rabin, waxa uuna kula taliyay maamulka Hirshabelle in wadatashi ka sameeyaan xilalka ay magaacabayaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa horey xilal aysan wadatashi ka sameyn waxaa ay u magacaabeen shaqsiyaad kala duwan, waxaa horay ugu gacan seyray xilka guddoomiye ku-xigeenka mid ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha dhexe wiil da'diisa lagu sheegay 15 sano jir, hasse ahaatee magacaabistaa waxaa beeniyay wasiirka arrimaha gudaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]