4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Ciidamo Militari ah oo la wareegay dugsiga tababarka Jen Gordan

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Afaafka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato gaadiidka Gaashaaman.

Mar aan saakay soo hormaray halkaasi ayaa indhaheygu qabanayeen tiro ciidan ah oo halkaasi amniga sugayo islamarkaana diidayay xitaa in ay gaagiidka dadweynaha halkaasi istaagaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Milatariga ee sida gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay xerada ciidamada Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Xalay fiidkii lagu wareejiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee loo yaqaano Danab Xerada Gordan ee degmada Hodan, waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan.

Ciidamadii Imaaraadka ay tababareen ee xeradan ku sugnaa, ayaa sida la sheegay noqday kuwa la xiray iyo kuwa baxsaday, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay xeradaasi.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in la soo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad militari kala baxaan xeradaasi.

Si kastaba ahaataba madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wayn uga carootay falkii shalay ka dhacay Xerada ciidamada Jeneraal Gordan oo maalmo ka hor Saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.