4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Toronto : 10 ruux oo ku dhimatay gaari la jiirsiiyay

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) – Ilaa 10 ayaa la xaqiijinayaa in ay ku geeriyoodeen kadib markii la jiirsiiyay gaari iyagoo lugeynayay waddo ku taal magaalada Toronto ee dalka Canada.

Wararku waxaa ay sheegayaan in darawalkii waday gaariga uu ka baxsaday goobta uu dadku ku wax-yeeleeyay hase yeeshee waxaa laga soo qabtay meel ka baxsan halka uu dadku ku dhaawacay.

Falkan ayaa dhacay xilli ay shaqaale badan qado u soo rawaxeen,mid ka mid ah dadka goobta ku sugnaana waxaa uu sheegay in uu darawal waday gaari cad uu si ulakac ah dadka u jiirsiiyay gaariguu kaxeynayay.

Booliska magaalada ugu weyn dalka Canada ayaa markii hore laga soo xigtey in toban ruux ay falkan ku dhaawacmeen hase yeeshee markii dambe ayaa afhayeen u hadlay boolisku sheegay in aan la ogeyn tirada dhabta ah ee waxyeeladu soo gaartay iyo weliba heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacoodu.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysay dad goobjoogayaal ah ayaa sheegtay in labo meyd ah lagu arkay goobta uu falkan ka dhacay.

Dalka Maraykanka iyo wadamo ku yaal qaarada Yurub ayaa weeraro waxyeelo geystey oo loo adeegsaday baabuur dad lagu jiirsiiyay ay ka dhaceen waxaana ka mid ah weerar ka dhacay bishii 31kii Oktoobar ee sanadkii hore magaalada New York halkaa oo ay ku dhinteen siddeed ruux tiro kalana ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]