4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Hirshabeelle oo laga digay khilaaf sababay bur bur ku dhaca maamulka

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre ayaa ka digay khilaaf iyo is qabqabsi sababa burbur ku yimaada maamulka, isagoo ku baaqay in gacmaha la is qabsado.

Cismaan Barre ayaa sheegay in haddii khilaaf yimaado burbur ku xigo, waxaana uu soo jeediyo in wixii qaladaad ah lagu saxo gudaha maamulka.

“Khilaaf wax wanaagsan ma’aha, hadii la is khilaafo fashil ayaa imaanaya, burbur ayaa ku xigo, wixii qaladaad ah gudaha aan ku saxano, Baarlamaan leenahay, xukuumad leenahay, odayaal ayaa leenahay”ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Guddoomiyaha oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa hadalkiisa si gaar u taabanayay xaalado siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyay ka soo if baxayay maamulka iyo eedeymo Xildhibaanada u jeedinayeen Madaxweynaha.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in ay jiraan xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo mooshin ka wada mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka oo ay ku eedeeyay musuq-maasuq iyo wax is daba marin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]