Wasiirrada Warfaafinta dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada oo isku khilaafay shir ka furmay Muqdisho
Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay shir
magaalada Muqdisho uga furmay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad dhexe iyo dowlad
gobolleedyada, kaddib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay
Badqabka Suxufiga.
Qaar ka mid ah Wasiirrada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka lagu
casuumay, laakiin markii ay yimaadeen ay la kulmeen waxyaabo ka duwan wixii
markii hore loo sheegay in shirku ku saabsan ama looga hadlayo.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed
Ugaas Xasan aya sheegay in Wasiiradda maamul goboleedyadda ay joojiyeen
Shirkaasi in ay qeyb galaan.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in
qorsheyaal ka duwan kuwii ay filaayeen ay la kulmeen , islamarkaana qodobadii
loo sheegay markii hore ay Wasaaraddu bedashay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay
dhinaca Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan
cabashada ay qabaan qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad gobolleedyada.
Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka furmay
Shir looga hadlaayay badqabka Suxufiga, waxaana shirkaasi oo buuq badan dhaliyay
furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]