4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Amaanka dadka ku safra gobolka Waqooyi Bari Kenya oo la adkeynayo

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Kenya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso Kolonyo ay la socdaan ciidamo, kuwaasoo ilaalin doona Ammaanka gaadiidka ay saarnan yihiin dadka ee Isticmaala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxaa ay sheegtay in tani looga hortaggi doono wax-yeeladda dadka Shacabka ah ka soo gaarta Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa u sheegay Wargeys ka soo baxa dalka Kenya in ay adkeyn doonaan ammaanka dadka Shacabka ah ee isticmaala wadooyinka.

Waxaa uu sidoo kale xusay in madaxweynaha Kenya uu amar ku bixiyay in laga hortaggo Weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca gobolka, islamarkaana lala socdo dhaqdhaqaaqa Gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]