4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Cumar C/rashiid : Muddadii aan xilka hayay majirin heshiis militari iyo mid ganacsi oo aan la galnay Imaaraadka

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xiriira dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta.

Sharma’arke ayaa sheegay in uusan jirin muddadii uu xilka hayay heshiis militari iyo mid ganacsi oo dhaxmaray iyaga iyo Imaaraadka Carabta.

‘’Waxaan idin cadeynayaa labadii sano ee aan dalka ra’iisal wasaaraha ka ahaa ma jirin wax heshiis militari ama ganacsi ah oo na dhaxmaray Imaaaraadka, gaar ahaan haddii ay ahaan lahaayeen arrimaha dekeddaha sida Berbera ama Boosaaso’’ ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Laakiin wuxuu sheegay in uusan ka warqabin ama ka hadli karin xukuumadihii isaga ka horeeyay, laakiin arinta ka hadlayaa tahay oo kaliya labadii sano uu dalka ra’iisal wasaaraha ka ahaa ama xukuumadiisu jirtay.

‘’Kuwii iga horeeyay uma hadli karo, waxaa ka hadli kara mas’uuliyiintii waqtigaa joogay, laakiin Labadii sano ee aan mas’uuliyada hayay wax heshiis ah oo aan la galnay Imaaaraadka ma jirin’’ ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Hadalka ka soo yeeray ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharm’arke ayaa imanaya xili dhawaan wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka uu sheegay in heshiiska dekedda Berbera ay la galleen dowladdihi hore, inkastoo uusan cadeyn gaar ahaan cidda heshiiskaa uga mas’uulka aheyd dowladii hore ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]