3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2018
Cabdiwali Muudeey : Dastuurkii hore oo ay ansixiyeen odayaasha Soomaaliyeed waa la xaday

 

Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Cabdiwali Sheekh Muudeey ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa oo ay ansixiyeen Ergada Soomaalida sanadkii 2012.

Muudeey ayaa  sheegay in Dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka qabyada ee Soomaaliya uu yahay mid laga soo turjumay afaf qalaad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto.

“Waxaa leeyahay Dastuurkan yaa loo xadin sidii kii hore oo kale, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee ergada Soomaaliyeed ay ansixiyeen, anaga indhoole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyay”ayuu yiir C/wali Muudey oo ku baaqay in dastuurkan la xafido.

Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadatashi ah oo looga gol leeyahay in dastuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/21/2018 4:03 PM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa galinkii danbe ee maanta booqday dugsiga tababarka Gen.Gordan oo ay dhowaan ka baxeen Imaaraadka.

4/21/2018 8:25 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa goor dhoweyd laga sii daayey xabsiga dhexe oo laba cisho ku jiray.

4/21/2018 8:16 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

4/21/2018 7:55 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

4/21/2018 6:37 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Xaafaddan cusub oo lagu magacaabi doono Kismaayada Cusub (New Kismayo) ayaa waxaa loo dhisi doona hab casri ah, ayadoo la qaabeeyn doono wadooyinkeeda iyo hab dhismeedkeedaba....

4/21/2018 5:43 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaaalada Bosaaso isagoo ku sii jeeda magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

4/21/2018 5:27 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ka shaqeyaan qaban qaabadda Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

4/21/2018 1:34 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Maanta ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay Shacabka ku dhaqan dalka Sacuudiga 40 sano kaddib ku daawadaan Filim Goob Fagaaro ah lagu soo bandhigayo.

4/21/2018 1:06 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka jawaabayay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay dhab tahay in Imaaraadku uusan si dhab ah u Ictiraafsaneyn jirintaanka Somaliand.

4/21/2018 12:51 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise oo ka hadlayay dadaallada socda ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Imaaraadka, aya sheegay in dalal dhowr ah oo daris iyo saaxiib intaba leh doonayaan in ay dhameeyaan khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

4/21/2018 12:35 AM EST
Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo uga wada hadli doona hanaanka doorashada guddoonka Baarlamaanka.