Wasiir Cawad : Dalal ay Itoobiya ka mid tahay ayaa doonaya in ay na dhaxdhaxaadiyaan Anaga iyo Imaaraadka
Sabti, April, 21, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda
arrimaha dibeda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise oo ka hadlayay dadaallada
socda ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Imaaraadka, aya
sheegay in dalal dhowr ah oo daris iyo saaxiib intaba leh doonayaan in ay
dhameeyaan khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
‘’Dalal dhowr ah oo daris iyo siixaabo intaba leh
ayaa doonaya in ay arintan soo dhaxgalaan, dalalkaas waxaa ka mid ah, Itoobiya,
Masar iyo Sacuudiga’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiirka ayaa sheegay in marnaba dowladda
Soomaaliya cudur daar ka bixin doonin
arrintii dhacday, taasoo laga dheehanayo sida Imaaraadka u doonayo in Soomaaliya
raalli gelin ka bixiso dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday Garoonka ee lagu
qabtay lacagtii ay waday diyaaradii ka diiwaan gishneyd Imaaraadka.
Khilaafka labada dowladdood oo hadda u muuqda mid
gaaray heerkiisii ugu sareeyay ayaa saameyn ku yeeshay dhamaanba adeegyadii
kala duwanaa ee Imaaraadku ka wadeen gudaha Soomaaliya sida tababarka ciidamada
iyo bixinta adeegyo caafimaad iyaga oo xiray Isbitaalkii ugu weyn oo ay ku
lahaayeen magaalada Muqdisho
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]