3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Golaha Wasiirada oo ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin xiliga kala guurka ee ciidamada AMISOM

 

Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) - Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.

Ugu horayn madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa dar-dargalinta nabadda.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka warbxiyay barnaamij lagu tiro koobaya shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo fududayn doona la socodka iyo horumarinta xirfadeed ee shaqaalaha.

Waxuuna Wasiirku tilmaamay in tirokoobka laga bilaabayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dibna loo gudbayo dhammaan Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladda.

Wasiir Saalax ayaa cadeeyay in shaqaalaha loo qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda iyo shaqaalaha ee dawladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan gashanayn dawladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha.

Ugu dambayntii Gollaha Wasiiradda ayaa ka dooday ansxinta Tubta siyaasadda ee Arrimaha Bulashada oo ay ku midaysan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda iyo xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, dood iyo falanqayn dheer ka dib gollohu waxuu isla gartay in la ansixiyo labadan Hindise Sharci oo baahi badan uu dalku u qabo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/19/2018 3:37 PM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)– Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa goor dhaw oo maanta ah xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Buur-Madoow oo deegaanka Carmo ee dowlad gobolleedka Puntland uga qeybgalay caleemo saarka mid ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed.

4/19/2018 12:26 PM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) – Liibaan Cabdi Cigaal oo ah madaxa shirkadda Star Cast oo Hiiraan Online u sheegay in mashuurcan Isgaarsiinneed ay maanta daah fureen uu noqonayo mid ku cusub guud ahaan marka la eego qaarada Africa, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ay tahay in la keeno Isgaarsiinta TriplePlay.

4/19/2018 6:56 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu is casilo ama xil ka xayuubin lagu saneeyo kaddib markii heshiishkii Dekadda Berbera Imaaaradku sheegay in ay la saxiideen dowladdii hore ee Soomaaliya.

4/19/2018 5:13 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halkaa ka wadaan howlgalo ka dhanka ah Al-shabaab.

4/19/2018 5:11 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo dhawaan lagu waddo in la soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed,ayaa waxaa isa soo taraya musharixiinta u taagan qabashada xilka bannaan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

4/19/2018 4:26 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)-Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirrada Saddex Dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay u goosteen urura Al-Shabaab.

4/19/2018 4:22 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Jen Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in ay jiraan ajaaniib dalka si sharci darro ku jooga.

4/19/2018 3:15 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL)–Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada waxbarashada ee ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ka soo jeeda deegaannada kale ee dalkaasi ayaa dalabnaya in laga badalo gobolka ay hadda wax ka dhigaan ee Waqooyi Bari.

4/19/2018 1:56 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay doorasho Madaxweyne iyo mid baarlamaan oo waqtigeedii laga soo hormariyay in ay dhacdo 24ka June ee sanadkan iyadoo hore loo qorsheeyay in ay dhacdo bisha November 2019.

4/19/2018 1:44 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL)–Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu ka baaqan doono shirka la qorsheeyay ee dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi haddii uusan u arag in ay natiijo kasoo baxayso.

4/19/2018 1:18 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabey howlgal lagu xaqiijinayo Amniga waddada isku xirtay magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo waayadii ugu danbeeyay ay ku soo badanayeen weeraro halkaa ay ka geysanayaan Al-shabaab.

4/19/2018 12:38 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay soo saartay qoraal ay kaga hadashay tacadiga Qaxootiga Magangelyo-doonka ah loogu geysto dalka Yemen.