Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya
gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halkaa ka
wadaan howlgalo ka dhanka ah Al-shabaab.
Ciidamada Xooga
ayaa waxaa ay howgalada ka wadaan deegaanada Cammaaro, Bacaadweyn
iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug, kuwaasi oo la doonayo in guud
ahaan Al-Shabaab laga saaro.
Saraakiisha ciidamada
xoogga dalka ee ku sugan gobalka Mudug ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan,
islamarkaana maalmaha soo aadan Al-shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ka
tirsan gobalka Mudug oo qeybo ka mid ah oo ay maamulaan Al-shabaab.
Generaal
Cabdulaahi Aadan Xuseen oo ah Taliyaha ciidamada xoogga dalka Qeybta
21-aad, oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in hadda howlgalada
ay ka socda aagaga Cammaara, Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos
yimaada,isagoona dhaca kale shaaca ka qaaday in xaaladda ay tahay mid
degan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]