4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Erdogan oo ku dhawaaqay doorasho waqtiggeeda laga soo hormarinayo

 

Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay doorasho Madaxweyne iyo mid baarlamaan oo waqtigeedii laga soo hormariyay in ay dhacdo 24ka June ee sanadkan iyadoo hore loo qorsheeyay in ay dhacdo bisha November 2019.

Erdogan oo xukumayay dalka Turkiga illaa iyo sanadkii 2002 ayaa raadinaya in la doorto shan sano oo kale isagoo awoodo dheeraad ah leh.

Qudbad uu taleefishinka ka jeediyay ayuu Erdogan ku sheegay in dalkiisu uu u baahan yahay doorasho cusub isagoo ku tilmaamay habkii hore inuu ahaa mid cudur ah.

“Waxyaabaha ka dhacay Syria iyo meelo kalaba ayaa qasbay in si deg-deg ah loogu wareego nidaamka cusub si mustaqbalka dalka uu u noqdo mid adadag.”ayuu ku yiri qudbadiisa uu si toos ah shacabka ugu jeediyay.

Erdogan ayaa intaa ku daray in go’aankan uu gaaray kadib markii uu la tashaday hogaamiyaha xisbiga wadaniga ah ee MHP, Devlet Bahceli oo la filayo in isbahaysi uu la noqdo xisbiga xukunka haya ee AK.

Doorashada kadib ayay dowlada Turkiga waxaa ay ka wareegi doontaa habkii Baarlamaanka iyadoo hab Madaxtooyo u wareegaysa waxana kordhaya awooda uu leeyahay Madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]