4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Trump : Waan ka baaqan doona shirka Kim Jong-Un haddii aysan wax natiijo ah ka soo bixin doonin

 

Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu ka baaqan doono shirka la qorsheeyay ee dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi haddii uusan u arag in ay natiijo kasoo baxayso.

Trump ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra'isulwasaaraha Japan Shinzo Abe.

Mar sii horeysay Trump ayaa ammaanay dadaalka agaasimaha guud ee CIA-da Mike Pompeo oo socdaal qarsoodi ahaa ku tagay dalka Kuuriyada Waqooyi, kadibna la kulmay Kim.

Wuxuu sheegay in Agaasimaha uu xiriir wanaagsan la soo sameeyay Kim.

Waxay ahayd markii koowaad tan iyo sanadkii 2000 oo mas'uul heerkaas ah uu booqasho ku tago Kuuriyada Waqooyi.

Lama oga halka iyo goorta uu kulanka dhacayo, balse waxa uu Trump sheegay in muhiimada ay tahay in Kuuriyada Waqooyi lagu cadaadiyo in ay dhigto hubka nuyuukleerka.

Ra'isul wasaaraha Japan ayaa Trump ka codsaday in uu gacan ka siiyo sidii loo soo siideyn lahaa maxaabiis Japan laga afduubtay sanadkii 1970-kii, kuwaas oo lagu heysto dalka Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horey u qiratay in ay afduubatay 13 Japaaniis ah, kuwaas oo ay u isticmaalayso in ay sirdoonkooda u tabobaraan dhaqamada Japan.

Trump ayaa sheegay in uu ku dadaali doono soo deynta muwaadhiniinta Japan iyo 3 qof oo Maraykanka u dhashay oo dalkaas lagu haysto.

Xigashada Warkan BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]