Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–
Khuburo dhanka kiimikooyinka ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii
la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda
Ruushku sheegtay.
Koox
caalami ah ayaa Suuriya ku sugnayd tan iyo Sabtidii, balse looma ogolaanin in
ay booqdaan Douma.
Weerarkii
7 Abriil dhacay ayaa horseeday weerar dhanka cirka ah oo dawladdaha Brirain,
Maraykanka iyo Faransiisku ay ku qaadeen xarumo ay dawladda Suuriya leedahay.
Talaadadii
hore warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in waaxda difaaca dalkaasi ay
ka jawaabtay gantaallo lagu soo weeraray magaalada galbeedka ku taalla ee Xomas.
Gantaalladaas
ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidammada cirka ee Shayrat sida ay
warbaahinta dawladdu sheegtay, balse faah-faahin kama aysan bixinin cidda soo
gantay.
Warbixin kale oo ka timid
malayshiyada Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ayaa lagu sheegay in hannaanka
difaaca ee Suuriya uu qabtay gantaallo lagu soo ganay garoonka milatariga ee
Duuma oo ku yaalla waqooyiga bari ee magaalada Dimishiq.
Xigashada Warkan BBC