Talaado, April, 17, 2018 (HOL) Sida lagu shaaciyay qaar
ka mid ah warbaahinta dowladda Isreal ayaa ka sii deysay xabsi ku yaala
magaalada Saxaronim ee Koonfurta Israel shalay oo Isniin aheyd 200 oo Muhaarijiin ah, kuwaasi oo ka soo kala
jeeda qaarada Africa.
Dadkan la sii daayay ayaa waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar
oo ay ku jiraan Caruur, waxaana in la sii daayo amartay Maxkamadda Sare, kadib
markii Xukuumadda ay heshiis la gashay wadan kale, kaasi oo ku saabsan
martigelinta Qaxootigan.
Sidoo kale Maxkamadda Sare ee Israel ayaa waxa ay amartay in
la hakiyo mudo 15 maalmood ah musaafurinta Muhaajiriintan, ilaa laga helayo
qorshe cad oo ay ku bixi karaan dadkan, iyada oo aanay ku jirin si qasab ah.
Hay’adda Socdaalka ee dalka ayaa warbaahinta u xaqiijisay
dadka laga sii daayay Xabsiga Israel in ay gaarayaan 207 qof, kuwaasi oo
qaarkood ay sheegtay in ay la kulmeen ciqaab intii ay ku jireen xabsiga,
waxaana ay tilmaamtay in hada ay ku jiraan xarun lagu daryeelo Qaxootiga.
Muhaajiriinta sharci darrada ku jooga dalkaasi iyo kuwa u
dooda xuquuqda Muhaajiriinta ayaa waxaa ay sheegeen in khatar ay ku tahay dadka
Muhaajiriinta ah hadii wadamadooda dib loogu celiyo iyada oo aysan jirin qorshe
cad oo lagu maareyn karo, maadaama ay tilmaameen in weli ay jiraan
dhibaatooyinkii ay ka soo carareen.
Benjamin Netanyahu ra’iisul wasaaraha Israel ayaa ku
dhawaaqay in uu isbedel deg deg ah ku sameyn doono kala bar dadka sharci darada
ku joogo dalka, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay Xukuumadda kala kaashan
doonto hay’adaha UN-ka.
Khamiistii, Uganda waxay sheegtay in ay ka fiirsanayso codsi
ka yimid Israel si ay u qaadaan 500 oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo sifo sharci
darro ah ku jooga dalka Israel, maadaama Uganda ay ka mid tahay wadamada Afrika
ee martigeliya Qaxootiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]