4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Dowlada Imaaraadka oo joojisay Howlihii Caafimaad iyo Militari oo ay ka wadey Soomaaliya

 

Isniin,, April, 16, 2018 (HOL)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid gabi ahaanba soo afjareysa xiriirkii dhinacyada badnaa ee kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba joojisay taageeradii Militari iyo bulsho oo ay ka waday Soomaaliya.

Adeegyada la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah howlihii Isbitaalka Sheekh Saayid oo ay taageerto dawladda Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Isbitaalkan ayaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah u fidin jiray dadka danyarta ah iyadoo ay ka faa’ideysan jireen kumannaan dadka reer Muqdisho ah.

Waxaa kaloo ay agabkooda ka xirxirteen xero  xero ay ku tababari jireen Militariga Soomaaliya oo ku taala magaalada Muqdisho.

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa xerada oo lagu magacaabo Jen Gordan waxaa laga daabulayay qalab ku jira kontaynarro, kuwaa oo la geeyay safaaradda Iimaaraadka Carabta.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014, waxay kaloo bixin jireen mushaarka ciidamo ay iyagu tababareen.

Horraantii todobaadkan ayaa sidoo kale is mariwaa saacado qaatay wuxuu ka dhacay garoonka dayaaradaha ee Boosaaso, kaddib markii in muddo ah la xannibay hub la sheegay in la saari lahaa dayaarad halkaa ka qaadi lahayd tababareyaal Militari, dayaaradda iyo dadkii raaci lahaa ayaa markii dambe halkaa ka duulay.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda qabta  in ay jiri karaan fursado lagu wada hadli karo si khilaafka jira looga gudbo sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa isna ka codsaday in tabarayaasha milateriga ay dib u soo laabtaan.

Inkasto horeyba uu madmadow uga jiray xiriirka labada dowladdood ayaa haddana la oran karaa waxaa dabkii shidnaa basiin ku sii daray tallaabadii dowladda Soomaaliya ay kula wareegtay lacag dhan $ 9 million iyo 600 Kun oo dollar oo lagu siday diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, arintaa oo siweyn uga careysiisay dowladda Imaaraadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]