4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Madaxweyne Gaas : Xiriirka Imaaraadka qiimo gaar ah ayuu noogu fadhiyaa

 

Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in tababarayaal u dhashay dalka Imaaaraadka lagu qashqashaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Gaas oo ka hadlayay xiriirkooda Imaaraadka ayaa sheegay in uu yahay mid qiimo gaar ah ugu fadhiya, isaga oo sheegay in aysan jirin dowlad uga wanaagsan oo ay xiriir la yeelan lahaayeen.

‘’Imaaraadka waxaa ay noo tababareen Kumannaan ciidamo ah oo ka howlgala Barriga iyo Badda, dhinaca kalana ka qeybqaata howlgalada la dagaalka Argagixisada iyo Burcad baddeeda’’ ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay in xiriirka ganacsi ee Soomaaliya ugu wanaagsan uu la leeyahay dalka Iskutaga Imaaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in inta badan shixnadaha ganacsi ee dalka yimaada ee ka soo galaan dhinaca isku taga Imaaraadka.

‘’Imaaraadka Xiriirkoodu waan mid qiimo gaar ah noogu fadhiya, waa xiriir ku saleysan hormar iyo ganacsi iyo Amni ayuu yiri’’ Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta inay joogaan oo ay sii wadaan tababarka iyo taageerada ay siiyo cidamada, islamarkaana ay sii laba jibaaraan.

Shir ka jaraa’id ee madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa imanaya kaddib markii uu Imaaraadku ku dhawaaqay in ay joojiyeen dhamaanba tababaradii ay siin jireen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta ay sii wadaan shaqeyntii ay la laahaayeen Soomaaliya iyo taageerada ay siiyo cidamada, isla markaana ay sii laba jibaaraan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa u muuqda mid sii xumaanaya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay $9 milion iyo 600 oo Kun oo dollar oo lagu siday diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaaraadka gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho Axadii todobaad hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]