4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Mareykanka oo u digay xukuumadda Suuriya

 

Isniin, April, 16, 2018 (HOL) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu gantaalo cusub ku weerari doono taliskiisa, hadii uu mar kale fuliyo weerar uu u adeegsado hubka kiimikada ah.

Haley oo hadalkan ka sheegtay mar ay u warameysay Telefishinka Fox News, ayaa tiri"Haddii Asad aysan gaarin fariintii ay xambaarsanaayeen 105tii gataal ee Sabtidii ay Mareykanka, Britian iyo Faransiisku ku dhufteen sadex xarumood oo kuwo hubka Kiimakada ah, waxaa xigaya mid xanuujsa, kuwo kale ayaa xigga, mana ogolaan doono xitaa isticmaalka cadadka ugu yar ee Hubka Kiimikada ah.”

Waxey sheegtay in sida Asad uu u dhaqmo ay ku xirantahay in duqeyntooda ay noqoto jawaab mar qura ay bixiyeen iyo inay sii wadaan.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa habeen ka hore weerar gantoolo ah waxaa ay ku qaadeen dulleedka caasimada Dimishiiq, iyaga oo arintaan ku micneeyay in ay jawaab uga dhigayaan isticmaalka sunta Kiimikada ee dadka rayidka ah gudaha dalka Suuriya oo ay ku eedeeyeen madaxweyne Bishaar Al-Asad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]