Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) –Dowladda
Imaaraadka ayaa sheegtay ayaa sheeegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii
ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahaayeen
gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda
Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi
oo tan iyo xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay ciidamada
Qaranka Soomaaliya oo dagaal adag kula
jira ururka Al-shabaab.
Sababta uu
Imaaraadka u joojiyay Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladda
ka soo baxda dalkaasi ee WAM waxa ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii
9.6 Milyan aheyd ee ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha
Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.
“Imaaraadka Carabta ayaa
go’aansaday in ay tirtiraan barnaamijkooda tababarka Millatari ee Soomaaliya oo
bilowday 2014-ka si loo dhiso awooda Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula
jira Shabaab,” ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay Wakaaladda WAM.
Imaaraadka
Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 Askari oo ay bixiyaan
mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen Saddex xero tababar iyo xarumo
caafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.
Xiisada u
dhexeeya labadan dal ayaa kor u kacday tan iyo markii xukuumadda Soomaaliya ay
cambaareeysay qorshaha Imaaraadka ay ku dhisayaan saldhig Millatari oo ku
yaalla degaanada Somaliland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]