Cali Jeyte oo aan ka qeybgalin munaasabadii xil wareejinta guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan
Axad, April, 15, 2018 (HOL) - Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka
Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka biyo diiday in uu xilka wareejo kaddib munaasabad maanta ka dhacday
magaalada Beledweyne oo uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee la
magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.
Waxaan soo xadirin munaasabada xil
wareejinta Cali Jeyte Cismaan sababo aan la ogeyn , laakiin waxaa muuqanaya
khilaaf xoog leh oo ka dhashay xil wareejintiisa, taasoo keentay maalintii
shalay la baajiyo munaasabada uu xilka kula wareegi lahaa guddoomiyaha cusub.
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ka qeybgalay ayaa faray Hay’adaha
amaanka sida Booliska,NISA iyo ciidamada Xoogga dalka Gobolka Hiiraan in ay
hadda wixii ka danbeeya ay ka amar qaataan Guddoomiyaha cusub kuna shaqeeyaan
amarkiisa.
Madaxweynaha maamulka
Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wali sugan magaalada Beledweyne ee
xarunta gobolka Hiiraan kamana uusan soo muuqan xafladii xil wareejinta
guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo ay ka qeybgalleen dhamaan saraakiisha
ciidamada iyo wasiirro ka tirsan maamulkiisa.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka
Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay
in muhiimada koowaad uu siin doono dib u heshiisiinta,dhageysiga iyo
horumarinta deegaanka.
“ Waxaan idin balan qaadeynaa
gaar ahaan haddaan koox u helno iyo haddii kaleba reer Hiiraan waxay u baahan
yihiin dib u heshiisiin dhab ah mid xuduudaha mid deegaanada,mid dhaqanka iyo
deriseynta ah intaba,waxaan balan qaadayaa inaan iyadaasi shaqada ka bilaabo,”
ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wali war ah lagama hayo Cali
Jeyte oo labo mar guddoomiye ka soo noqday gobolka tan iyo markii la dhisay
maamulka gobolleedka Hirshabeelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]