3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Haweeney isku daldashay magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in haweeney Soomaaliyeed oo heystay Labo Carruur ah isku daldashay gurigeeda sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada hooyadan is dishay.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cali Maxamed ayaa la sheegay in ay isku soo xirtay gurigii ay degeneyd kaddibna xarig u isticmaashay dilkeeda.

Macalin Cabdulle Macoow ay Ilmo adeer ahaayeen haweneydan ayaa sheegay in isaga oo guriga ka maqan lagu soo wargaliyay dhacdadan, waxaana uu intaa ku darray in gabadha waayadii ugu danbeeyayba uu hayay cudurka dhimirka.

‘’Walaaloow gabadha  in muddo ahba waa ay xannuusaneyd muddo sanad ku dhaw ayuu cudurka dhimirka  hayay, waxaan geynay goob dadka lagu daweeyo, xoogaa waa ay ku yara fiicnaatay, markii aan guriga ku soo celinay dhowr maalmood kaddibna falka ayaa dhacay oo waa ay is dishay’’ ayuu yiri Macalin Cabdulle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay u geysatay Carruurteeda oo ah laba Wiil, isla markaana meydkeeda ay geeyeen Xarunta dembi-baariista ee CID-da oo uu ku amray taliyaha Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Falalkan noocan oo kale ah ee dadka naftooda gooya ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah oo aan inta badan ka dhax dhicin bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/15/2018 3:05 PM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)-Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka biyo diiday in uu xilka wareejo kaddib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Beledweyne oo uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

4/15/2018 12:45 PM EST
Axad, April,15,2018(HOL)-Ilo xog-ogaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in howlgalka midowga Africa AMISOM uu soo rogay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada midowga Africa.

4/15/2018 9:16 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qaybgallay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta dhiraynta Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Bisha Afraad(April)-2018.

4/15/2018 9:09 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Deegaanada Nugaasha, Soolka iyo Xaysimo oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool ayaa roobab ka curteen iyadoo ku dhowaad shan sano aan roob la sheegaa ka di'in.

4/15/2018 8:24 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Garyaqaanadii u doodayey Abwaanad Niciima Abwaan Qorene ayaa sheegay in xukuntaasi lagu xukumay uu sharciga baalmarsan yahay,isla markaana ay racfaan ka qaateen.

4/15/2018 6:00 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodijeex xukun saddex sano ah ku riday Abawaannad Naciimo Qarone.

4/15/2018 5:45 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdullahi Faarax Wehliye ayaa ku guuleystay doorashada Kursiga xildhibaanimo ee golaha Shacabka, taasoo Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

4/15/2018 3:09 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

4/15/2018 12:37 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL) –Waxaa magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, waxaana shirkaa ka qeybgalay Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah waxay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

4/15/2018 12:21 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

4/15/2018 12:12 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)-Dalalka Mareykanka,Faransiiska iyo Britain ayaa billaabay isku day cusub oo ay ku doonayaan in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha ah in dowladda Suuriya ay isticmaaleyso hubka kiimikada.

4/15/2018 12:01 AM EST
Axad, April, 15, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada Booliska, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.