Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya shirka Jaamacadda Carabta ee ka furmay Dammaam
Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray
Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka
jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda
Carabta.
Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin,
dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen
iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u
helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.
Waxaa lagu waddaa in uu Khudbadiisa diiradda ku saaro
horumaradii ugu dambeeyay ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu
shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka
wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala
dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.
Kulanka ayaa imanaya xilli ay xoogeysatay
xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya dowladda Imaaraadka
Carabta, waxaana lagu waddaa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ay
arintaasi ka hadlaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]