4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Imaaraadka oo ka hadlay lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amniga ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii la socday diyaaradii dhawaan lacagta lagu qabtay, islamarkaana kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

Imaaraadka ayaa sheegay in falkaasi aad u cambaareynayaan, iyaga oo intaa ku daray in Saraakiisha ammaanka ay si xun ula dhaqmeen rakaabkii diyaaradda saarnaa, waxay kaloo tilmaameen in ciidamada ammaanka ay qaateen lacag caddaan ah oo ay qayb ka ahayd lacagaha loo qoondeeyey in ay Soomaaliya ku caawiso.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda difaacday tallaabada ay qaadday, waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.

Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka diplomaasiyadeed. 

Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in is-afgaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.

Waxaa jira waddamo xiriir la leh Dowladda Federaalka oo taakuleeya laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa dowladda loo soo marsiiyaa habraac waa faqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]