4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha xilka ka degay Jawaari oo markii ugu horeysay shir jaraa’id wada qabtay

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha xilka ka degay Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay shir jaraa’id ka soo wada muuqday tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafkii siyaasadeed ee hareeyay hay’addaha dowladda.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in uu ka tanaasulay ama iska casilay xilkii Afhayeenka Baarlamaanka, islamarkaana maalinta Berri ah uu hortagi doono xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo  dib ugu celin doono xilkii uu u soo hayay mudada dheer.

Jawaari ayaa sheegay in uu arintan u sameeyay si looga fogaado bur bur ku dhaca hay’adda sharci dajinta iyo in laga baxo is qab-qabsiga siyaasadeed iyo khilaafka soo kala dhaxgalay xildihbaannada Golaha Shacabka.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka raali galiyay walwalka soo food saaray muddadii ay jirtay xiisada siyaasadeed wixii hadda ka danbeeyana wada jir loo shaqeyn doono.

''Waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo in aan xilka si dhameystiran u wareejin doono maalinta Berri ah marka aan hortago xildhibaannada Golaha Shacabka'' ayuu yiri Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo oo shirka jaraa’id dhinaciisa ka hadlay ayaa ku amaanay Prof Jawaari go’aankan uu qaatay isaga oo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi muhiim u ah Qaran dhisida isaga oo kula dardaarmay in xitaa haddii uu xilka degay uu halkiisa ka sii wado howlihii uu Qaranka hayay.

''Waxaan u mahad celinayaan Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo runtii dalka u soo shaqeeyay muddo ka badan 50 sano, xilal kala duwanna u soo qabtay, waa oday Soomaaliyeed, waa khabiir sharciga ah, in badanna dowladnimada Soomaaliyeed waqti badan galiyay, go'aanka uu qaatay waa mid taariikh ah, wax sharuud ah oo uu ku xirayna malaha, waxaan ku dhiiri-galinayaa Prof Jawaari in uu halkaa ka sii wado dadaalladii uu ku bixiyay dowladnimada Soomaaliyeed, gaar ahaan qabyo tirka dastuurka, waxaanna ka fileynaa in uu halkiisa ka sii wado talo bixintiisiilku aadan dhameystirka dastuurka'' ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Shirkan jaraa’id ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo wada jir u qabtay madaxweynaha iyo guddoomiyaha is casilay ee Golaha Shacabka Prof Jawaari, kaddib markii la soo afjaray xiisada siyasadeed.

Ra’iisal wasaaruhu goobjoog kama uusan aheyn shir jaraa’id, madaama la ogyahay in eedeymaha ugu badan ee khilaafka loo jeedinayay xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]