4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Dagaal culus oo ka socda dhulkii safaradii hore ee Mareykanka magaalada Muqdisho

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Dagaal culus ayaa xilligan ka soconaya dhulkii safaaradii hore ee Mareykanka oo tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ay deegaansadeen qoysas Soomaaliyeed.

Rasaas culus oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya ayaa laga maqlayaa inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaallo dhimasho iyo dhawacba sababay horay uga dhaceen deegaanka oo dadku inta badan u garanayaan [Siliga Ameerican-ka]

Xaafadan uu dagaalku ka socdo ayaa u badan dhimayaal Jiingado ka sameysan oo u nugul rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo saacadihii hore ee maanta biloowday, waxaana wali la maqlayaa dhawaqa rasaas culus.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]