4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ugu yaraan 7 ruux ayaa lagu dilay tiro ka badan 10 ruuxna dhaacwayo kala duwan ayaa ka soo gaaray dagaal culus oo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Maxaas.

Inta badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa lagu sheegay in ay ka kala tirsanaayeen maleeshiyaadkii iska horimaadku dhaxmaray iyadoo xiisadana ay ka bilaabantay dil aano qabiil oo saaka degaanka ka dhacay.

Dagaallada degaanka ayaa la sheegay inay dib usoo laba-kacleeyaan xilliyada abaaraha iyo marka uu roob ka curto qeyb deegaanka ka mid ah oo dadka reer miyaga xoolahooda ula guuraan.

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobal Hiiraan ayaa ku baaqay xabbad joojin iyo in laga wada hadlo wax yaabaha xiisaddan abuuray.

Dagaalladan oo u muuqda kuwo deegaanka ku soo noqnoqday ayaa ilaa iyo hadda laga gaarin xal kama danbeys ah iyo isgarad meesha looga saarayo in dagaalku mar kale soo noqdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]