4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Guddiga nabadaynta colaada Koonfurta Gobolka Sool oo ka war bixiyay wixii u qabsoomay

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL) – Gudiga nabadaynta isu xilqaamay daminta colaadii ka dhex qaraxday labada beelood ee Koonfurta G Sool wada daga ayaa maanta ka warbixiyey wixii u qabsoomey labadii maalmood ee ay ku sugnaayeen magaalooyinka Dhumay iyo kalabaydh.

Gudiga oo ka koobnaa Culimo iyo Odoyaal isamarkaana ay hogaaminayeen Sh C/Naasir Xaaji Axmed iyo Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire ayaa sheegay in ay dhex tageen labada dhinac ,ayna ku hor mareen magaalada Dhumay oo

dhibaatadii ugu badnayd ka dhacaday.

Sh C/naasir ayaa HOL u sheegay inay Dhumay kula kulmeen qaar ka mid ah odoyaasha deegaankaasi iyo dadwaynihii halkaasi ku sugnaa waxaan ay hor dhigeen qodobadan :

1:In xabad Joojin deg deg ah oo bilaa shuruud ah la sameeyo .

2:In la Kala Qaado malleeshiyo beeleedyada is horfadhiyo mid waliba lagu celiyo meelihii ay ka yimaadeen .

3:In la joojiyo guryaha la gubayo iyo burburinta hantida ma guurtada ah iyo dhibaataynda loo gaysanayo Biri-magaydada.

Dhamaan qodobadan waa ay ka aqbaleen gudigan, waxaanuna ka codsadeen gudigani in mudo shan maalmood ay isu soo urursadaan Odoyaasha iyo guurtida beeshan si looga hadlo daminta colaada.

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed ayaa intaasi ku daray in gudigu ay u gudbeen magaalada Kalabaydh islana qaateen Sadexdii qodob oo shuruud la'aan ah odayaasha beeshu, loona qabtay mudo la mid ah beeshii hore .

Colaada u dhaxysa labada beelood ee wada daga koonfurta gobolka Sool ayaa ah mid soo noqnoqonaysay mudo labaatan sano ku dhawaad ah iyadoo khasaare naf iyo maalba leh ay kala dhacday.

Seynab Cabdi Warsame.

[email protected].

Laascaanood,G: Sool.