4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Xisbiyada mucaaradka oo soo dhaweeyay go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL) –Kaddib qoraal wada jir ah oo ay soo saareen xibiyada mucaaradka dalka oo ay wehliso Kutlada baarlamaamniga ah ee Horusocod waxaa lagu taageeray go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada dalka ay xiriirkii wada shaqeynta ugu jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xisbiyada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii ay ka qaateen wada-shaqeyntii dowladda ay la lahaayeen madaxda maamulada qeybta ka ah federaalka ee ku shiray Kismaayo.

Qoraal ay soo saareen ayeey ku sheegeen in ay ku raacsan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dareenka ay ka muujiyeen horumar la’aanta dhinaca amniga, siyaasadda iyo garsoorka ee uu dalku ku sugan yahay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri'' Waxaan caqli gal heyn in madaxweynuhu shir ku baaqo iyada oo aan wax garaawshiyo ah dowladdu ka bixin tabashada maamul gobolleeyada siina socdaan fara-galinta ay ku heyso arrimaha gudaha ee dowlad gobolleed-yada''

Akhriso qoraalka ka soo baxay xisbiyada mucaaradka oo Nuqul ka mid ah soo gaaray Hiiraan Online :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]